War Deg-dega h Wariye Cumar Seerbiya oo lagu weeraray Muqdisho.

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo ka mid ah wariyaasha ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taalla degmada Waaberi.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Cumar Seerbiya oo fadhiya maqaayad ku taalla meel u dhaw isgoyska shaqaalaha halkaas lagu weeraray iyada oo nin sitay Bistoolad uu dhawr xabbadood ku riday, balse lama sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray, balse sida aan wararka ku helayno madaxa dhaawac ka gaaray  qof ka mid ahaa dadkii goobta joogay, kaasi oo aan weli la ogayn inta uu dhaawaciisu gaarsiisanyahay. Weriye Cumar iyo dad kale oo ka agdhawaa ay ka carareen goobta.

Cumar Seerbiya oo ah madaxa waxsoosaarka shirkadda Astaan, ayaa muddo u ololaynayey soo noolaynta fanka Soomaalida isaga oo ka qoray buugaag sidoo kalena lagu abaalmariyey billado kala duwan oo la xiriira shaqadiisa.

Weerarada noocan ah ayaa xilliyo kala duwan dad lagu dilay Muqdisho iyo meelo kala oo ka mid ah gudaha Soomaaliya, hay’addaha amniga ayaan weli ka hadlin arrintan

LEAVE A REPLY