XOG HOOSE: Kenya oo damaceedii IGAD ku hungowday iyo shirqoolka Somalia?

0
467

Jimcihii November 29, 2019 waxaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu qabtay kulankii 13aad ee caadiga ahaa ee Uruur-goboleedka IGAD. Ururka waxaa la aasaasay 1986 si looga hortago abaaraha waxaana la oran jiray IGADD, balse waxaa loo rogay IGAD sanadku markuu ahaa 1996.

Shirka oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee caadi ah oo ay ku kulmaan madaxda goboleedka toban sanadood kadib, ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda iyo wakiiladda dalalka Eritrea, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koofur Sudan, Soomaaliya, Sudan iyo Ugaandha.

Inkastoo la filayay in shirka lagu gorfeenayo geedi socodka nabadda Koofur Sudan, haddana waxaa diiradda lagu saaray dibuhabeynta qaab-dhismeedkiisa, iyadoo guddoonka laga dhigay xil meerta ah. Isbedelkaas wuxuu kenay inuu Mudane Cabadalla Xamduuk oo ah Ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka Sudan uu ku soo baxay gudoomiyaha IGAD.

Tobankii sanadood ee la soo dhaafay waxaa si isdaba joogta ah ururka u guddoominayay seddexdii Ra’iisul-wasaare ee isku xigay ee dalka Itoobiya (Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn iyo Dr Abiy Ahmed), iyadoo uu uga horeyay jagadda Madaxweynihii Kenya Mudane Mwai Kibaki.

Kenya ayaa damacsanayd inay iyadu qabato hoggaanka IGAD kalkaan, hayeeshee damacaasi waxaa uu meesha ka baxay markii hoggaanku ay la wareegtay dowladda Koofurta Suudaan.

Arrintaan ayaa sida xogta ay ku heleyso mareegta Marqaati waxaa la soo sheegayaa in RW Abiye uu taageeray qorshaha ah in Kenya ay jagadaasi weyso.

Kenya ayaa doonaysay markii hoggaanka IGAD ay noqoto in ay ku tagri-fal awoodeed sameeyso iyadoo ay is-hayaan Soomaaliya.

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga