Home WARARKA Xasan Sheekh oo su’aal la keenay cida ay ka tirsan yihiin xoogaga...

Xasan Sheekh oo su’aal la keenay cida ay ka tirsan yihiin xoogaga Wadaniyiinta

0
378

Xoogaga wadaniyiinta ayaa waxaa ay wakiilo ka yihiin degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la sheegaa inay toos ugu xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana ay ka qeyb qaataan abaabulka banaanbaxyada dowladda lagu taageeraayo iyo munaasabadaha soo dhaweynta intaba.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in dalka uu leeyahay Afar Ciidan oo kale ah, Ciidamada Booliska,Nabadsugida, xoogga dalka iyo Asluubta ,hayeeshee wixii kasoo hgara ay yihiin kuwo ku Shaqeeya Sharci-darro.

“Baryahaan waxaan maqleynay kuwa leh xoogag wadaniyiinta dadka soomaaliyeed dhamaantood waa wadaniyiin,marka xoogaga wadanioyiinta ee la sheegaayo xagey ka tirsan yihiin,shaqaalaha dowladda miyaa,Ciidan miyaa,Bulshada rayidka miyaa,astaamo aan wanaagsaneyn ayaa ii muuqda ee dowladda waxaa laga rabaa ha sharciyeyso ayuu yiri”Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli weli dowladda Soomaaliya aysan cadeyn cida ay ka tirsan yihiin xogaga wadaniyiinta ee ka Shaqeeya Gudaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga