Weerarka Hormuud Ee Shirkadaha Forex, Kaalinta DFS Iyo Xogta Shirkaddii Forex 252

1
12665

Wixii ka dambeeyey markii ay soo magaalada Muqdisho kasoo ifbaxeen shirkadaha ku shaqeeya sarifka lacagaha qalaad ayaa waxaa soo batay caaadiska ay shirkadaha waaweyn ku hayaan shirkadahan cusub.

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa la yimid Hal abuurkan oo dalal badan oo caalamka ah ka jiray 30-kii sano ee lasoo dhaafay, balse horumarka dhanka Tiknoolojiyadda ah ee la gaaray ayaa sababtay in si dhib la aan ah uu Muqdisho kusoo gaaro forex.

Dadweyne badan ayaa durba bilaabay in lacagahooda dhigtaan shirkadahan si ay u helaan bil walbo faaido, taasi oo ugu dambeyn ay dadkan u riyaaqeen.

Balse arrinta ugu weyn ayaa ah kadib markii dhaqaale xumi baahsan ay dareemeen Bangiyo waaweyn oo dalka ah, maadaama shacabka ay lacagahooda oo lagu shaqeysan jiray lasoo baxeen.

Bishii December ee 2019 ayeey shirkadda Hormuud waxay isugu yeertay madaxda Bangiyada Salam Somali Bank oo iyada ay leedahay, Dahabshiil, Premier Bank iyo IBS Bank.

Waxaa shirkaasi la isku raacay in la joojiyo qarashaadka loo qabto shirkadaha Forex, si ay suuqa uga baxaan, balse arrintaasi ayaa noqotay mid lagu fashilmay.

Hormuud oo walaac xooggan ka qabta shirkadahan, kana baqeysa in saameyn dhaqaale oo dhan walbo ah ku yeelato ayaa sii xoojisay dedaalkii ay wadday.

Waxay dhaqaale siisay warbaahin iyo suxufiyiin si ay been abuur uga sheegaan shirkadaha Forex, balse arrintaasi ayaan sii socon, oo dadku waxay xoojiyeen kalsoonida ay ku qabaan.

Wariye aan magaciisa ka dhignay Abukar Cali sababo amni darteed ayaa inoo xaqiijiyey in shaqsi ahaan isaga la siiyey lacag dhan $300, si uu baraha bulshada uu been uga faafiyo, kuna sumcad dilo shirkadaha Forex.

“Aniga iyo dhallinyaro kale ayaa waxaa nala soo xiriiray shaqsi ka socday Hormuud, waxaana uu naga dalbaday inaan la shaqeenno, islamarkaana xogo been u badan ka faafinno Shirkadaha Forex, taas ayaana keentay in maalmo badan aan ku dhegno shirkadahan” ayuu yiri Abukar.

Dagaalka ayaa noqday mid markii uu cabbaar socday ay shirkadahan waaweyn ku fashilmeen, balse intaas kuma aanay harin.

Mas’uuliyiin ka socday shirkadaha aan kor kusoo sheegnay ayaa waxay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga dhexe ee dalka, waxaana ay bixiyeen qarash u dhaxeeya $120,000 illaa $150,000.

Bankiga dhexe ayaa qoraal degdeg ah soo saaray, isaga oo sheegaya in la xiray Koontadii ay lahaayeen shirkadaha Forex ee Bankiyada garka loo leeyahay, balse xilliga warqaddaasi soo baxeysay ma jirin wax Koonto ay Bankiyadan ku lahaayeen Shirkadahan.

Shirkadda Dahabshiil ayaa isku deyday iney ka dhinac Baxdo Hormuud iyo Premier Bank, waxay si gaar ah ugu wacday shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya adeegga Forex, waxaana ay ka dalbatay in la siiyo 5% lacagaha faa’idada laakiin waxaa loo sheegay in taasi aanay suurtagal ahayn.

“Waxay inoo sheegeen in Koontooyinka noo fasaxayaan, balse aan siinno faa’idada soo xaroota 5%, laakiin taas macquul ma ahayn, waayo waxaan haynno waa hanti shacab, waxa aan ka faaideynno oo yar hadana qiimahaas ma bixin karno” mid ka mid ah maamulayaasha shirkadaha Forex ayaa sidaasi inoo sheegay.

Shirkadaha ay horkacaysay Hormuud intaa kuma aanu ekaan dagaalkooda, ee wxay aadeen dhanka wasaaradda ganacsiga, iyaga oo la kulmay madaxd wasaaraddaasi.
Waxaa laga ogolaaday oo kaliya in la joojiyo bixinta ruqsadda, laakiin looma ogolaan in la xiro dhammaantood.

Hormuud ayaa isku dayday in qorshaheeda ay wax ka bedasho, islamarkaana dhanka diinta ay aaddo, si bulshada shaki loo geliyo oo ay isaga daayaan lacagaha ay u dhiibanayaan shirkadaha Forex.

Waxaa la qabtay kulan diimeed, iyadoo culimo ay keeneen masjidka Abuu Hureyra ee ku yaalla suuqa Bakaraha, si loo xaaraantameeyo Forex.

Arrinta yaabka lahayd ayaa ahayd in culimadii fatwootay iyo wariyaashii la geeyey Salaam Bank Bakaaro, waxaana la siiyey lacag, iyadoo wadaadada midkiiba uu qaatay lacag dhan Kun Doolar, sid ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Intaan oo dhan iyadoo la sameeyey ayeey hadana shirkadahan joogsan waayeen, oo tiro badni ayeey ka qaadeen.

Waxaa kulan gaar ah isugu yimid madaxda Hormuud iyo kuwa Bankiyada kale, qorshe cusub ayaana la degay oo ka duwan intii hore ee fashilka ku dhammaaday.
Markaan waxa uu noqday in la abuuro shirkad magac ahaan oo kaliya ah, waxaana loo adeegsaday shaqsi aan markii hore ka mid ahaa, dhallinyaradii lacagta lagu siinayey aflagaadeynta dhallinyarada Hal abuurkan keensaday.

Waxa uu durba shaqsigan soo dhigay sawirro iyo qoraallo uu ku sheegayo iney ku khasaareyn lacag ka badan 200 oo kun oo Doolar, ku darsoo shaqsigan bartiisa Facebook wuxuu ku sheegayey in Forex dadka lagu dhacdo, laakiin isagii ayaaba la yiri shirkad ayuu furtay.

Shirkadda lacagta lunsatay sida la sheegay magaceedu waa Forex 252, hadana ninkii guddoomiyaha u ahaa ee sheegay in lacag ka khasaartay magaalada Muqdisho ayuu si nabad ah isaga joogaa, mana jirto tallaabo ay DFS ka qaaddey.

Dagaalka ay shirkadaha waaweyn kusoo qaaden dhallinyaradan oo noqday mid aad usii xooggeystay ayaa hadda ku baahay dhanka dowladda, waxaana ay soo adeegsadeen mas’uuliyiin sare.

Gobolka Banaadir oo lacag badan ka helay dhanka Hormuud iyo saaxiibadeeda ayaa ku guuleystay in Cumar Finish ka dhaadhicyaan mamnuucista shirkadahan, balse loo maro waddo sharciga u eg, si aan iyaga loo dareemin.

Gobolka Banaadir wuxuu soo saaray warqaddii lagu joojinayey diiwaangelinta shirkadaha cusub, waxaana sidoo kale uu sheegay in laga tashan doono, waxayna natiijada noqon kartaa in la mamanuucay.

Ku darso, DFS waxay maalmahan wadday baaritaanka iyo su’aallo weydiinta shirkado waaweyn oo Forex ah, lamana ogo waxa laga damacsan yahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayeey hadda wax walbo agyaalaan, waxaana laga doonayaa iney si dhex-dhexaad ah u gasho xaaladahan taagan.

Shaqooyinka Forex waxaa ka faa’iday shacab iyo sidoo kale dhallinyarada waxbartay oo shaqo abuur ay u noqotay, iyadoo dalka uu galay xaalad ka duwan xaaladihii hore marka loo eego dhaqaalaha soo galaya.

1 COMMENT

  1. horta uma maleenaaaayo in forex faaiido noo thy shalay lacag tiro badan oo dad masaakiin lahaaayeen baaa nin qasaaariyey caawana wxn soo arkey facebool heesato shirkad kle ooo lacag 1 millon dollar la goostey oo xamar iskaga baxay😭😭😭

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga