Wasaaradda Gaadiidka oo hoos u dhigtay qiimaha Laysanka gaadiidka.

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo saartay Habraac cusub oo wax badan ka  badalaya qiimihii hore ee Laysinka Mootada uga bixijiray Darwaladda Gaadiidka Bajaajka ku shaqeysta.

Iyadoo maalmihii danbe ay aad isusoo tarayeen Cabashada Dhalinyarada Mooto Bajaaj-ka iyagoo sameynayay Banaanbaxyo waaweyn kana cabanaya in lagusoo rogay Lacago xad dhaaf ah oo looga qaado siyaabo kala duwan, ayay kusoo aadeysaa in Wasaaradda Gaadiidka oo ka jawaabto cabashada Dhalinyarada iyadoo Agaasimaha Guud uu hore usheegay in aayney ka warqabin Lacagaha dheeraadka ah ee laga qaado Bajaajleyda ayna Tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid allaale iyo ciddii ku xad gudubta Dhallinyarada.

Wasiirka wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ka hadleysay isbadalka la sameeyey ayaa sheegtay in tallaabadaan la qaaday iyadoo la fiirinayo xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed.

“ Waxaan kusoo koobnay 106.5 Dollar inay tahay qarashaadka uu Leysinka ku qaadan karo darawalka Mooto Bajaajta waa marka uu darawalka cusub yahay” ayey tiri wasiirka oo ka hadleysay warbaahinta.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “ Waxyaabihii kale dhan waa lasoo jaray, caafimaadkii waxbaa laga jaray, iskuulada darawalnimada lagu barto waxbaa laga jaray, CID lacag baa laga jaray, wixii oo dhan 106.5 Dollar ayaa lagu soo koobay”.

Waxay kale oo ay sheegtay in qofka uu Leysinka ka dhaco kaliya laga rabo inuu soo maro caafimaadka Indhaha iyo inuu warqdda dambi la’aanta kala yimaado CID.

Sidoo kale wasiir Fardowsa ayaa sheegtay in qofka uu ka lumo Leysinka kaliya laga rabo inuu warqad kala yimaado saldhigga booliska ee u dhow, haddii la waayo Leysinkana kaliya laga rabo 20 Dollar si mid cusub loogu daabaco.

 

 

LEAVE A REPLY