Somaliland Oo Iska Joojisay Duulimaadyada Yurub Iyo Maraykanka

0
708

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna gudoomiyaha guddiga heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa Soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo rakaabka ka imaanaya Yurub iyo Maraykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxey Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu qiimeyn ku sameeyey rakaabka ka imaanaya wadamada Yurub iyo mareykanka ee u soo safraya deegaannada Soomaaliland ay keeni karaan Cudurka coronavirus oo wadamadaas uu ka dilaacey,iyaga oo soo saarey go’aamadaan.

In laga bilaabo maalinta Isniinta ah ee soo socota la joojiyey dhamaan diyaaradaha ka yimaada wadamada Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka iyo in Diyaaradaha ka imaanaya dalalkaas aysan Soomaaliland keeni karin wax rakaab ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka:

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga