Madaxda Dhuusamareeb ku sugan oo aan wali xal ka gaarin furitaanka Shirka Wadatashiga

0
245

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Kulamo u dhaxeeya Madaxda maamulada iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa saacaddihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb, waxaana kulamadaasi diiradda lagu saarayay arrinta doorashada iyo qaabkii doorasho heshiis lagu yahay u dhici laheyd.

Dooda ugu adag ayaa ka taagneyd Saacaddihii lasoo dhaafay qaabka uu ku furmi doono Shirka, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in maanta laga yaabo in uusan furmin Shirka.

Labada qodob ee la kala taagnaa ee nooca doorashada ayaa weli xal laga gaarin sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dad-ban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.

Saacaddaha soo socda ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay sii socdaan kulamada gaar gaarka ee labada dhinac.

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga