Imaaraadka oo soo bandhigay qorshahooda Soomaaliya+damacooda

0
326

Anwar Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in dalkiisa uusan raadineyn inay iska hor-yimaadaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xiriirka u dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai ayaa hoos u dhacay horraantii bishii April, kaddib markii garoonka Muqdisho ay dowladda Soomaaliya ku qabatay adduun dhaqaale oo ku dhow 10 Malyan oo dollarka Maraykanka ah.

Hase yeeshee Gargash ayaa sheegay in weli uu furan yahay albaab ay isku fahmi karaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Weli waxaa banaan fursad ay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ku wadaagi karaan diblomaasiyad, anagu marnaba ma raadineyno isku dhac.” Ayuu yiri.

Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed caqli gal ah, nabad ah, islamarkaana la joogteyn karo.” ayuu yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta, oo uu soo xigtay wargeyska HAN.

Hadalkani wasiiru wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa ku soo beegmaya, iyada oo maalinkiii khamiista ee todobaadkii dhammaaday ay magaalada Muqdisho ku kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Si kastaba, hadalka Gargash iyo kulanka Cawad iyo Al Hammadi ayaa muujinaya inuu jiro isku soo dhowaansho yar.

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga