DFS Maka Dhabbaa La Dagaalanka Covid 19?

0
581

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay iney haatan waddo qorsheyaal ay kula dagaallameyso  Covid 19  oo dhibaato badan ku haya guud ahaan caalamka.

Hadaba su’aalo badan ayeey is weydiinayaan bulshada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku aaddan dhab ahaanshiyada dedaalka ay waddo dowladda Soomaaliya.

Inkastoo tabar ahaan iyo dhaqaale ahaaba Soomaaliya ay liidato, hadana waxaa lama huraan ah dedaallada haatan socda.

DFS dedaalka ay muujisay ayaa ah midka ugu wanaagsan ee dal tabar yar uu qaado, walibana cudurka uu si halis ah ugiu faafi karo guud ahaan dalkaasi.

Soomaaliya ma haysato qalab, dawo iyo sidoo kaleba dhaqaatiir badan oo la tacaala cudurkan, balse ka daba tagga waxaa ka wanaagsan ka hortagga, sida ay haatanba sameysay dowladda dhexe.

Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa mararka qaar isku dayaya iney weji xumeeyaan dedaalka ay DFS waddo, wallow uu u muuqdo haatan mid inta badan guuleystay.

Marqaati Online
Muqdisho, Somalia

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga