DEG DEG: Axmed Madoobe Oo Kahor Yimid Qorshe Lagu Fashilin Lahaa DFS

0
444

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa si cajiib ah u diiday qorshe ay wadeen siyaasiyiintii isugu tagtay magaalada Kismaayo, kaasi oo ka dhan ahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa ay doonayeen siyaasiyiintan u badan mucaaradka in ay dhisaan Isbahaysi aad u weyn oo mucaarad ah, dowladana looga soo horjeesto.

Ilo wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu kabiyo diiday arrintaasi, walibana u sheegay isagu aanay ahayn dowlad diid, balse qaladaad jira uu uga soo horjeestay.

Dalka ayuu sheegay inuu u baahan yahay badbaado ee aanu u baahneyn in dowladda laga soo wada horjeesto, sidaasi darteedna bedalkii la mucaaradi lahaa dowladda loo caqli celiyo oo la taageero.

Waa tallaab aan caadi ahayn oo uu qaaday Axmed Madoobe, waxaana la ogeyn waxa ay DFS ugu jawaabi doonto maadaama ay kasoo horjeeddo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

Marqaati News
Muqdisho, Somalia

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga