DAAWO: Dooni ku degtay Puntland iyo shaqaale nolosha lagu la’ yahay

0
349

Doon kalluumaysi oo Laga Leeyahay Dalka Yemen oo ay saarnaayeen 12 Shaqaale ah ayaa ku degtay xeebaaha gobolka Gardafuu.

Arrintaan waxaa xaqiijiyay wasiir ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda xukuumadda Puntland Yaasiin Cartan Maxamed .

Wuxuu sheegay in 11 badmaaxe laga soo badbaadiyay 12-kii saarnaa doonida, halka hal qofna weli la la’ yahay.

Shaqaalaha la soo badbaadiyay ayaa lagu hayo degmada xeebeedka Caluuula ee xarunta Gobolka Garadafuu

Yaasiin Cartan ayaa sheegay in roobab mahiigan ah oo dabaylo wata kuwasoo ka da’ayay xeebaha Puntland ay sababeen in doonidu degto.

Waxaa uu ka dhawaajiyay sidoo kale in ay jiraan gaadiid ku rogmaday roobabkani.

Wasiir Ku Xigeenka, wuxuu ugu baaqay gadiidlayda badda iyo Kalluumaystada inay hakiyaan safarrada iyo kalluumaysiga, isagoo ka digay Dabaylo iyo roobab xoog leh oo ka da’ya xeebaha Puntland.

Dhinaca kale, shacab Isxilqaamay ayaa isku dayaya inay hagaajiyaan wadooyinkii roobabku burburiyeen ee gobolka Gardafuu, gaar ahaan wadada lafagurayo oo roobab bishii hore ka da’ay gobolkaasi ay waxyeelo xoog leh gaarsiiyeen.

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga