Ciidamo dagaal kula wareegay Xarumaha Maamulka degmada Jalalaqsi

0
242

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo Maanta ka dhacay gudaha degmadaas,waxaana la sheegay in ciidamada Jabuuti ay la wareegeen dhamaan Xarumaha Maamulka.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay,kadib markii Maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in la hawada laga saaro lana demiyo Xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray,kaidbna ay howlo mina baaris ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen Xarumaha uu ku Shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi,isla markaana Ciidamadii Maamulkaas dagaal Magalada looga saara.

Wariyeyaal ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay soo sheegayaan haatan rasaasta ay istaagtay,isla markaana gebi ahaan Xarumaha Maamulka degmada Jalalaqsi ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti,hayeeshee aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhex-maray labada dhinac.

Xaalada degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa haatan ah mid degan,waxaana dagaalkaan weli ka hadlin Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Jalalaqsi iyo Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM kuna sugan Gobolka Hiiraan.

Fariin inoo dhaaf

Halkaan ku qor aragtidaada
Fadlan halkaan geli magacaaga