Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u furmay.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaana dood ka yeelanaya dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
Xubnahaan ayaa muhiim u ah maamulka Puntland, waxaana horay loo kala diray xubnihii shaqeynayay ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay.