Maalin Axad ah, 6da sept, 2020 at 3:54 pm (Galabnimo) waxaa isoo gaartay shaacinta natiijada ardayda imtixaanka fasalka 12aad ee dowladda FS 2019-2020, waxaan kamid ahaa ardaydii sugeysay Natiijada maalintaas, waxaan booqday mareegta laga xaqiijinayay natiijada, aniga oo galiyay Roll-Numberkeyga, waxaanse kala kulmay.
Daqiiqado orod ah kadib waxaa xaqiiqowday in ay ii qorantahay waad dhacday, hartay, xaalad aan dadku ku jirin ayaan ku jiray, waxay eheed maalin iiqaas ah, oo aysan dareemi Karin dadka ila joogay, qaarkood waxa ay lahaayeen ninku yuu dhicine celshu, yuu suuxine qabta, balse aniga waxaan ka fikirayay qaabkii aan u xalin/maaweelin lahaa nafteyda uguna sheegi lahaa in ay mudneed waxaan ku dhacay, waxaan maalintii labaad iyo sadexaad habab iyo ilo kale oo waxbarashada aan kusii wadan karo (jaamacad) kala tashaday akhyaar walaalahey ah, balse taasi ma suuroobin.
Maalmo adag oo aan in badan isla sheekeysanayay lana shuureynayay nafteyda waxaan go`aansadey muddo dhowr bari ah kadib inaan bilaabo safar waxbarasho oo kale balse caqabadda iheysatay ayaa eheed in magaalada badanaa la iga yaqiinay iyo xitaa iskuulada hadii aan isla iskuul cadaaado kuyaalla gali lahaa mar kale, balse waxaan ku fikiray inaan aado oo aan safarkeyga waxbarasho u aado uguna amba-baxo meel kaduwan magaaladii aan ku noolaa, aanan waligey tagin, aqoonin nolosheeda, meesha ay iga jirto kaliya aan ka warqabo waliba si qiyaas ah, taasoo ah Magaalada Mogadishu, waxaan la wadaagay walaalo iyo asxaab ahaa garabkeyga ina siinayay talooyin badan waana ay bogaadiyeen, waxaan bilaabay inaan raadsado tickeykii aan ku bixi lahaa, iyo inaan booqdo qaraabada oo aan macsalaameeyo, muddo kadib.
Sabti, sept, 12ka – 2020 waxaan kasoo amba-baxay magaalada cadaado aniga oo ku qanacsan inaan aado magaalo kale oo cusub, waxbarasho kale oo cusub, manhaj kale oo cusub, iyo dad kale oo cusub, waxaan imid magaalada muqdisho, waxaana isoo dhaweeyay walaalka kaliya ee aan hooyo iyo aabeba wadaagno Abdisalam Ahmed (Fiiro gooni ah walaalo igu hooyo ah waa joogaan walaalo igu aaba ahna waa joogaan, balse isaga waxaan nahay isku hooyo iyo isku aabe.) waxaan degay Mogadishu,xaafadda shiirkoole oo aan maqal ahaan uu aan maqli jiray.
Muddo kadib 29-30 sep ayaan iska xaadiriyay iskuulkii aan ka sii wadan lahaa waxbarashada, waxaana iga caawiyay inaan iskuulkaas tago igula taliyay walaalkey shaafici abdi oo kamid ah sadex aan hooyo wadaag nahay, yacni aan isku hooyo nahay, waxaa ii bilowday dugsiga sare fasalkiisa 12aad, waxaan noqday nin aan xitaa nasannin khamiis iyo jimce sanadkaas, hal sano oo juhdi ah kadibna waxaan galay imtixaanka dowladda, ugu danbeynna waxaan ka gudbay wadadii adkeyd hal sano kadib, aniga oo bilaabay jaamacadaha dalka mid kamid ah, Jamhuriya University of Science and Technology, sidookalana waxaan ka shaqo bilaabay magaalada muqdisho, Alxm.
Si aysan udheeraan sheekada:
๐: ๐ฌ๐๐๐๐๐ญ๐๐๐ง ๐๐๐ง ๐ฎ๐๐ก๐๐๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐ก๐๐๐?
Waxaan galay schoolka dadka waaweyn, oo uu ka baasi Karin nin weyn oo dedaalaya yacni lagali jiray subixii 6:00am lagana baxijiray 8:10am subaxnimo.
Waxaan ahaa nin wixii markaan classka ka baxo kadib shaqeeya, waqtigiisa ugu bandanna baashaalka ku bixiya waqtigiisa, inta badan marka ardaydu dhahaan waxbaan diyaarinaynaa ma aanan jeclayn ka qayb galka, waxaan isla halkaan uga mahadcelinayaa, cismaan Cilmi iyo Xasan galaambe oo ahaa saaxiibo waxbarasho ina dhihi jiray wax nala diyaari, awalkeygii hore waxaan ahaa nin xerow ah oo kuma fiicneyn luuqadda Englishka iyo Xisaabtaba, waxaa sidoo kale jiray fasaxyo iyo waxyaabo badan oo keenay inaan galno imtixaan oo soo dhex galay Corona virus, hadaanan qaldaneyn!. Isku soo duuboo waxbarasho jadwaleysan, diyaaris leh, jeclaan leh, xiiso u hayo, buugaagteeda heysto ma aanan dhigan jirin.
๐: ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐๐๐ง ๐๐ก๐๐๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐๐ง ๐๐๐`๐ข๐ข๐๐๐ฒ?
Waxa ay eheed fursad aan dib ugu saxay wixii iga qaldanaa, waxaan galay iskuul la dhiganayo 6 saacadood, waxaan helay arday waxbarasho oo aan xiiseynayay iguna cusbaa, waxaan imid magaalo igu cusub uuna ka jiro horumar badan, waxaa iibilowmay jawiyo iyo dhaqammo aan aheyn kuwii biibito fariisiga, waxaan imid magaalo qalab kasta aad ka helaysid, magaalo la raaco caasi sadex kun ah, magaalo ay ka furanyihiin boqolaal machad oo biyo xirfado, waxaan noqday arday fasalka kursigii uu ka fariistay ku dhammeeyay sanadkaas, arday jimcaha kororsada wixii isbuucaas ka soo qaldamay, arday waqti uu seedo leh waqti uu wax aqristana leh, arday buugaagtiisa boors ugu jirto, arday aan subaxna lagu qabsan halkee kusoo daahday, waxaan faaiidey inaan barto xirfado, ku falaado waxyaabo hadda ii ah shaqo oo aanan markaas ogeyn faa`iidada ay leedahay, waxaan galay jaamacad anoo fahamsan, xisaabaadka, luuqadda, inyaroo carabi ah, wax uun aqrin kara.
๐: ๐ฆ๐๐ฑ๐๐ ๐๐ก๐ข๐๐ข ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ก๐๐๐๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐๐๐๐ฌ๐ข ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ฌ๐ข๐๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐๐ก๐๐?
Waxaan ahaa arday ay dhibto xisaabta, dhibto luuqada, dhibto wax-aqriska, dhibto arday dhex-galka, jiif badan, aanan ku baraarugsaneyn waxa adduunka ka socda, waxaan baasi lahaa anoo aqoon sare laheyn, waxaa dhici lahaa inaan galo jaamacad deegaankii aan awalba ku hooseeyay aqoon ahaan, waxaa dhici lahaaa degaan aysan ku oolin machadyo laga barto xirfadaha la xariira computerska, deegaan dadku ay magic ahaan u aadaan jaamacadaha, deegaan dadku iskuulada u dhigtaan aad shaqeysatid inaan sii joogo oo aan sii ahaado, jiife, xirfadlaawe, xamaashe.
๐: ๐๐๐ฆ๐๐ซ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐๐ง ๐ค๐ ๐๐๐`๐ข๐ข๐๐๐ฒ?
Xamar waxaan ka faaiidey waxyaabo aan cidiba koobi Karin, markii u horeysay ayaan ku faanayaaa inaan caasimadda dalka uga baxay dugsiga sare ee iskuulka, waxaan noqday markeygii iigu horeysey arday saxa muddo hal sano ah, waxaan ka faaiidey xamar, saaxiibo, xirfado, waxbarasho, shaqo, waaya-aranimo, xeebo madax dagsi leh, maqaayado u diyaarsan ardayda waxbarata, IWM.
๐: ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฐ๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐ฒ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ?
โWalaal maadan dhicin ee waa dedaashayโ waxaad ka nasiib badantahay ardayda baastay, oo waayo waxaad bilaabi juhdi aysan iyagu bixin doonin after afartaan bariyoo farxaddaa kadib, nidaam waxbarasheed aysan heli doonin, isku taxalujin aysan soo helin siina bixin doonin, dedaal aadan bixin jirin, xirfado, iscuqdadeyn dhali doonta inaad fikirtid oo aad baratid wax kugu cusb, is ciilkaambin kuu horseedi karta inaad noqotid qof nolosha tusaale noqda, waxaad noqon doontaa qof dadku Example uga dhigaan kuwa nolosha ka dhacay ee hadana horumarey oo guuleystay, waxaad yeelan doontaa qaab fikir ka fiican kii isyeelyelnimada, kii baashaalka, kii ciyaaleynta, kii dedaal la`aanta, kii waxbarasho seegseegga, waxaad jaamacadda gali doontaa adiga oo leh true Story aad niyadda ugu dhiso kuwa aan dedaalin, waxbaranin, jaamacadda u heysta fasalka gamerska, waxaad noqon doontaa qof aan mar kale hooban(Fashilmin).
๐: ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ ๐ญ๐๐ฅ๐ข๐ง๐๐ฒ๐๐?
waxaan kugula talinayaa inaad aag (goob badelatid oo aad meesha aad ku dhacday ka badelatid, Iskuul ahaan, Xaafad ahaan, inkee deegaan ahaan (NB: hadaad awoodid)) taas waxay kuu sahleysa inaad focuska saartid go`aankaagii aysanna jiri doonin wax ku niyad jabiya kuna xasuusiya maalmihii adkaa, inaad bilowdid fasalka ugu danbeeya haddii aad heshidba, hadii kalana fasalada hoose, inaad yeelatid asxaab cusub oo wax aqris, ka sameysatid qolkaaga miis wax aqris, sameysatid notes books, iibsatid buugaagta fasalka, kalahdid, dedaashid, sanadahaasna aadan soo jeesan ee aad awoodda iskugu geysid sidii aad unoqon laheyd nin dhaama kii shalay dhacay.
๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐ง:
Hadaad kamid ah tahay ardayda shalay aan baasin imtixaanka dowladda waxaan ku leeyahay marna haku fikirin inaad aado waddo aan aheyn tan waxbarashada inaad sii wadid, ku fikirin inaad noqotid qof aan ku qancin qadarta allah, qof walba oo manta jooga oo dhalinyaro ah waxaa xaqiiq ah inuu wajahayo adduun technologyiyo la iskula hadlo, oo kaliya aad kaga gudbi karto inaad dhex jibaaxdo waxbarashada, ha noqon xamaali, ha noqon darbi jiif, ha niyad jabin, ee ku qanac qadarta dedaalkaagana sii wad insha allah, waxaan markale ku leeyahay โhambalyo walaal waad guuleysatay ee kaliya xaqiijin ayaa kaa dhimman.โ
Waan ka cudurdaaranayaa fariintaan hadii ay ku jiraan waxyaabo qalday, hadii aysan kuu soo kordhin macluumaad bandanna waan ka cudur daaranaya oo waqti kaa galay, hadii aad wax ka faaiidayna waxaan kaa codsanayaa inaad gaarsiisid cidda ay ku socoto fariintaan.
๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐ง๐ข๐๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ข๐ข๐ง.
W/D: ๐๐๐๐ข๐ง๐จ๐ซ ๐๐ก๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข (๐๐๐ฒ๐๐ซ๐ข๐ฌ๐จ๐ฐ)